Pakistan: Iskuul la furay weerar kadib

Lahaanshaha sawirka
Image caption Iskuulka Peshawar ayaa la weeraray bishii hore.

Ardayda iyo macalimiinta ayaa ku soo noqday dalka Pakisan iskuul ay ku dhinteen ugu yaraan boqol iyo konton qof kadib weerar Taliban bishii hore.

Xaflad lagu xusay dadkii dhintay ayaa lagu qabtay iskuulka dhexdiisa.

Madaxa ciidamada General Raheel Sharif ayaa ka soo qaybgalay oo la kulamaya ardayda,waalidka iyo shaqaalaha.

Wuxuu sheegay masuuliyiinta inay samayn doonto wax walba oo tabartooda ah si ay u difaacaan ardayda iskuulka.