Wargeyska Charlie Hebdo oo aad loo gatay

Lahaanshaha sawirka Reuters

Daabacaadii koobaad ee Wargayska Faransiiska ee Charlie Hebdo, wixii ka dambeeyay weerarkii ay dadka badan ku dhinteen ee lagu qaaday xafiiskooda Paris, ayaa daqiiqado gudahood lagu iibsaday isla markii la geeyay goobaha lagu gado wargaysyada.

Dadka ayaa safaf dhaadheer u galay si ay u iibsadaan wargayska.

wargaysku waxa uu sheegay in uu daabacayo nuqulo dheeraad ah, iyaga oo gaadhsiin doona shan milyan oo ah heerkii ugu sareeyay ee uu daabaco wargaysku.

cadadkaasi waxa ay ugu magacdareen dadkii badbaaday.

12 qof ayaa lagu dilay weerarkii todobaadkii hore dhacay, cadadka maanta ayaa ka cadhaysiiyay wadamo Muslimiin ah iyo kooxo, kaddib markii boga hore ee wargayska lagu sawiray kaartoon lagu sheegay Nabi Maxamad Naxariis iyo nabadgalyo korkisa ha ahaatee.

Wargaysku waa uu diiday dhaleecaynta loo soo jeediyay.