Majaajileyste lagu xiray Faransiiska

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Majaajileyste Dieudonne M'bala M'bala

Dieudonne M'bala M'bala oo ah majaajileyste muran badan dhaliyay ayaa lagu xiray Faransiiska, kaddib markii uu baraha bulshadu kuwada xiriirto soo dhigay fariin uu taageero ugu muujinaya ninkii weerarray dukaan weyn oo Paris ku leeyihiin Yuhuuda.

Weerarkaasi waxaa ku dhintay shan qof oo uu ka mid yahay ninkii weerarka fuliyay.

Ninka weerarka fuliyay ayaa sidoo kale maalin ka hor weerarka toogasho ku dilay haweeney boolis ahayd, waxaana la rumeysan yahay in uu xiriir la lahaa labadii nin ee walaalaha ahaa ee fuliyay weerarkii lagu qaaday wargeyska Charlie Hebdo.

Dacwad oogayaasha Faransiiska ayaa furay kiis ka dhan ah majaajileystaha, oo ay ku eedeeyeen in uu “u naxay argagaxiso”.

Dieudonne ayaa horay loogu eedeeyay Yuhuud naceyb. Waxaa sanadkii 2013-kii uu caan ku noqday salaantii Naziga ee quenelle.

Salaantaasi ayaa waxaa muujiyay ciyaaryahan Nicolas Anelka, kaddib markii uu gool u dhaliyay kooxda Inigiirska ka dhisan ee West Bromwich Albion, waxaana taasi ay dhalisay in la ganaaxo.