FBI oo fashilisay weerar ka dhici lahaa US

Lahaanshaha sawirka v
Image caption FBI ayaa tilmaamay in nin kan uu doonayay inuu dad badan ku dilo Washington

Laanta FBI ee dalka Mareykanka ayaa sheegaya inay xireen oo dacwad ay ku oogeen nin qorsheynaayay inuu weeraro dhismaha Congresska ee ku yaalla magaalada Washington.

Qoraal maxkamameed ayaa lagu sheegay in ninka oo lagu magacaabay Christopher Cornell, la xiray kaddib markii uu isku deyay inuu iibsado 600 oo xaboo rasaas ah, iyo qoryaha darandooriga u dhaca.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu baaritaan ku sameeyay sida loo sameeyo bamka.

Xubnaha FBI waxa ay sheegayaan in ninkan uu doonaayay inuu qarxiyo dhismaaha Congress ka uuna toogto dadka halkaasi ka shaqeeya ama maraya wadada u dhow.

Waxaa sidoo kale loo haystaa qoraallo uu ku baahiyay barta bulshada ee Twitter oo uu ku taageeraayo Dowladda Islaamka eek a dagaallanta bariga dhexe.

Waxa uu sidoo kale taageeray shiikha jihaaddoonka ah ee lagu magacaabo Raheel Mahrus Cubayda.