Maraykanka oo wafdi u diray Cuba

Lahaanshaha sawirka
Image caption Maraykanka iyo Cuba ayaa xiriirkoodii diblomaasi go'ay 1961-dii

Wafdi ka socda congress-ka maraykanka ayaa gaaray caasimada Cuba ee Havana, waa booqashadii ugu horaysay oo shaqsiyaad maraykan ah ay ku tagaan Cuba tan iyo markii bishii hore maraykanka iyo Cuba ay ku heshisheen in ay dib u celiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed.

Siyaasiyiintan maraykanka oo ka tirsan xisbiga demoqaraadiga ayaa waxa ay la kulmi doonaan saraakiisha Cuba iyo hoggaamiyaasha shacabka, waxayna ka wada xaajoon doonaan tallaabooyinka muhiimka ah ee loo baahanyahay in la qaado sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka dibloomaasiyadeed ee go'ay 1961-kii.

Maraykanka ayaa waxa uu qafiifiyey xayiraadihii safarka ee uu ku soo rogay Cuba, halka Cuba-na ay xabsiga ka sii daysay in ka badan 53 maxabiis, kuwaasi oo ay codsatay Washington in la sii daayo.