Shir looga hadlayo Daacish

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Kooxda Daacish ayaa ka haysata dhul Ciraaq iyo Suuriya.

Maraykanka iyo Britain ayaa hogaamin doona shir ka dhacaya London Khamiista ee dalalka isku bahaystay la dagaalanka Daacish.

Wasiirada Arrimaha Dibadda oo ka socda labaatan waddan oo ay ka mid yihiin waddamada carabta, ayaa ka hadli doona sidii loo jabin lahaa Daacish oo qabsatay dhul ka tirsan Ciraaq iyo Suuriya.

Masuuliyiinta Britishka ayaa sheegay in wadahadalka uu xooga saari doono qatarta ka imaanaysa ajnabiga u dagaalamaya Daacish, dagaalka lagula jiro Daacish, sida ay Daacish u hesho dhaqaalaha iyo gargaarka.