Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Duqii Afgooye oo lagu dilay qarax

Duqii degmada Afgooye Cali Cabdow oo loo yiqiinay Cali Jamiil, iyo labo qof oo la socday ayaa ku dhintay, sedex kale oo ilaaladiisa ahaydna way ku dhaawacantay kadib markii ay ku qaraxday miino waddada dhinaceeda la dhigay gaari ay wateen jidka u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Al-shabaab ayaa sheegatay in ay ka danbeysay qaraxaasi lagu dilay duqii degmada Afgooye.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan, ayaa taleefanka kula hadlay gudoomiyaha gobolka Shabeelada Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur, oo ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee tagay goobta uu qaraxu ka dhacay, wuxuuna waydiiyay sida weerarkaasi u dhacay.