Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Boqolaal lagu xiray Baydhabo

Ciidamada boliiska ayaa daba jooga dilal dhawrkii maalmood ee ugu danbeeyay ka dhacayay magaalada Baydhabo oo ay gaysanayeen rag hubaysan.

Dadka hubaysan ayaa dilkii ugu danbeeyay habeen hore magaaladaasi ugu gaystay sheekh caan ka ahaa deegaankaasi oo la oran jiray Sheekh Shariif Sayid Cali.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Bay Gaashaanle Sare Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan, uga waramay hawgallada ay Baydhabo ka wadaan iyo tirada dadka la soo xiray.