Warbixin Hubka la geeyo Afrika

Lahaanshaha sawirka Associated Press
Image caption Hub.

Warbixin cusub oo ku saabsan colaada dalka Jamhuuriyada bartamaha Afrika ayaa muujinaysa sida hubka laga sameeyo caalamka uu u gaaray ama loo gaarsiiyey xoogga falaagada ka dagaalanta dalkaasi.

Warbixintan waxaa diyaarisay hay’adda cilmi baarista ee dalka Britain ka hawlgasha ee baaritaanka ku sameysa hubka ee Conflict Armament Research.

Bambo gacmeyd laga soo saameyey dalka Bulgeria, Rasaas laga soo sameeyey Britain, hoobiyayaal laga soo saaray Shiinaha iyo qoriga daran-dooriga u dhaca oo laga soo saaray warshadaha dalka Sudan.

Dhamaan Hubkan iyo ka badan ayaa si uun ku gaaray gacanta falaagada Seleka oo ah falaago arxan daran oo ka dagaalanta dalka Jamhuuriyada bartamaha Afrika.

Hubkan oo qaar ka mid ah la soo xaday, qaar kalana si qarsoodi loo geeyey dalkaas ayaa waxaa uu sii hurinayey colaada oo labadii sano ee ugu dambeysay burburisay guud ahaan dalkaasi.

Haatan baaritaan ay sameysay hay’ada Conflict Armament Research, oo u shaqenaysay midowga Yurub ayaa muujinaya sida qoryaha laga soo sameeyey Shiinaha iyo Iran loo geeyey Sudan.

Kaddib waxaa la sheegayaa in qoryahaas dib loo habeeyey, kadibna diyaarad inta lagu qaaday gacanta loo geliyey dagaalyahanada muslimka ah ee Seleka kuwaas oo barakiciyey kumanaan rayid ah.

Walaaca la muujinayo ayaa waxa uu yahay in arrintan ay gebi ahaanba tahay mid sharci-daro ah una muuqata in ay tahay mid aanan la joojin kerin. Hubkan ku qulqulaya Jamhuuriyada bartamaha Afrika, ayaa waxaa uu gacan ka geysanayaa in xasilooni daradu ku fido guud ahaan gobolka tusaale ahaan waddamada Nigeria, Cameroon iyo Koonfurta Sudan,