Dagaal ka socda Yemen

Dagaal culus ayaa ku dhexmaray magaalo madaxda Sanca ee Yemen mucaaradka Xuuthiga iyo ciidamada. Rasaas badan iyo qarax ayaa laga maqlay magaalada, iyadoo hoobiyayaal ay ku soo dheceen guriga madaxweynaha agtiisa.

Saacado kahor ayaa labada dhinac ay ku heshiiyeen xabad joojin, madaxweyne Abed Rabbo Mansour Hadi, ayaa la kulmi doona wakiilada Xuuthiga maanta.

Dagaalka ayaa ka danbeeyay daabicida dastuurka qabyada ah oo ay Xuuthiga ka soo horjeedaan.

Xuuthiga oo ah Shiico ayaa la wareegay meelo badan Sanca, iyadoo ay Suniyiinta ay waddanka ku badan yihiin.