Dad lagu tooriyeeyay Israa'iil

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Booliiska ayaa wadooyinka maraya si weeraro dheeraad ah aysan u dhicin

Saraakiisha Israa'iil waxa ay sheegeen in nin Falastiini ah uu mindi galiyay ugu yaraan 11 rakaab ah oo saarnaa bas marayay bartamaha magaalada Tel aviv.

Booliisku waxa ay sheegeen in wiilkaasi oo 23 jir ah la xiray kaddib markii cagta laga toogtay isaga oo iskudayaya in uu baxsado.

Shan kamid ah dadka mindida la galiyay ayay soo gaareen dhaawacyo isugu jira kuwo halis ah iyo kuwo dhexdhexaad ah.

Ugu yaraan afar ruuxna waxaa soo gaaray jaraaxooyin yaryar.

Dadka dhaawaca ah waxaa lagu daweeyay dhakhtar deegaankaasi ku yaala, amaanka agagaarkaasina aad ayaa loo adkeeyay.

Booliiska Israa'il ayaa weerarkaasi u arka mid argagixiso.