Heshiis laga gaaray dagaalka Sanca

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Jabhada Xuutiyiinta ee Yemen

War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada dalka Yemen, ayaa lagu sheegay in la gaaray heshiis lagu soo afjarayo dagaalka magaalada Sanca.

Heshiiska ayaa waxbadan u ogolaanaya jabhadda Xuutiyiinta ee qabsatay madaxtooyada Sanca, isla markaana go'doomiyay guriga madaxweynaha dalkaasi.

Shalay oo dhan, shacabka Yemen ayaa sugayay in ay maqlaan war ku saabsan madaxweynahooda, oo wararka qaar ay sheegayaan in maxbuus ku yahay gurgiisa.

Xuutiyiinta ayaa ku adkeystay dalabkooda, Mareykankuna waxa ay ku adkeysteen taageerada uu u hayo madaxweyne Haadi, halka dalalka gacanka Carbeedna ay ku eedeeyeen Xuutiyiinta in ay sameeyeen afgembi.

Qoraal kasoo baxay madaxweynaha ayaa muujinaya in uu waxbadan u ogolaaday Xuutiyiinta.

Waxa ay heli donaan matelaad weyn oo ay ku yeelanayaan dhammaan siyaasadda dalkaasi, waxaana sidoo kale isbedel lagu sameyn doonaa dastuurka ay diidan yihiin.

Taa bedelkeeda, Xuutiyiinta ayaa sii deyn doona kaaliye sare oo uu leeyahay madaxweyne Abdurabbuh Mansuur Haadi.

Madaxweyne Haadi ayaa magac ahaan u muuqda kan tallada haya, balse waxaa maamulka haya Xuutiyiinta.