Ayatollah-ha Iran oo baaq u diray dhalinyarada

Lahaanshaha sawirka
Image caption Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei

Hoggaamiyaha ruuxiga ee dalka Iraan Ayatollah Ali Khamenei ayaa warqad u qoray da'yarta kunool Yurub iyo Waqooyiga Amerika.

Ayatollah waxa ku booriyey in ay bartaan diinta Islaamka si looga hortago waxa uu ugu yeeray war- xumeynta iyo sida aan dhex dhexaadka ahayn ee reer galbeedku ay uga hadlaan Islaamka.

Ayatollah Ali Khamenei waxa uu sheegay in sababta uu warqada u qorayo ay tahay waxyaabihii dhowaan ka dhacay Faransiiska.

Iraan oo shiica ah ayaa waxay u aragtaa in ay khatar weyn ku yihiin suniyiinta jihaad doonka ah sida ururka Daacish.