Qarax kadhacay magaalada Muqdisho

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ammaanka magaalada muqdisho ayaa hagaagay sanadihii u dambeeyay iyada oo ay wali qaraxyo kadhacaan

Dawladda Turkigu waxa ay sheegtay in madaxwayne Recep Tayyip Erdogan, uu booqandoono Soomaaliya sidii horayba loo qorsheeyay, iyada oo ay jirto qarax bambaano oo ka dhacay Hoteel magaalada muqdisho kuyaala oo ay waftdi Turki ah ugu sii gogol xaarayeen booqashada Madaxwaynaha.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkigu waxa ay sheegtay in aysan waxba soo gaarin waftigooda, kaddib markii gaari waxyaabaha qarxa la soo saaray lagu soo kaxeeyay ama lagu soo eryay albaabada Hotelka.

Ugu yaraan saddex soomaali ah ayaa ku dhimatay, labo kamid waxa ay ahaayeen laamaha ammaanka mid ka kalana waxa uu ahaa shaqaalaha Hoteelka sida ay BBC u sheegeen boolisku.

Ururka Al-Shabaab ayaa qaraxyo ka gaysta magaalada Muqdisho.