Madaxweyne Erdogan oo Muqdisho ka degay

Lahaanshaha sawirka other
Image caption Garoonka diyaarada ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdsiho oo lagu xardhay calamada waddamada iyo madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweynaha Dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa goor dhaweyd kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Erdogan iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa furay tarminalka cusub ee garoonka Adan Cadde, iyo isbitaalka Digfeer oo kamid ah mashruucyada uu Turkiga ka dhisayo magaalo madaxda Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa lagu waday inuu Muqdisho yimaado maalintii Jimcaha balse waxa uu u baaqday geeridii ku timid Boqorkii Sucuudiga Carabiya, Boqor Cabdalla.

Lahaanshaha sawirka
Image caption Madaxweyne Erdogan iyo madaxwenaha Soomaaliya oo furaya terminalka garoonka Adan Cadde.

Waa markii labaad oo uu booqanayo Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011-kii, xilligaasi oo uu noqday hogaamiyihii ugu sarreeyay uguna horreeyay ee aan Afrikaan aheyn ee booqda Muqdisho tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo wadooyinka magaalada ayaa waxaa lagu xardhay calaamada Soomaaliya iyo Turkiga, iyo sawirrada labada madaxweyne, iyada oo la xadiday dhaq dhaqaaqa wadooyinka muhiimka ah.

Wixii ka dambeeyay socdaalkii ugu horreeyay ee uu Erdogan ku tagay Soomaaliya, waxaa sii xoogeystay xiriirka labada dal.