Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Booqashada Erdogan ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Dayib Erdugan, iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa soo gabagabeeyay booqasho hal maalin ah oo ay ku tageen Soomaaliya.

Madaxweyne Erdogan, ayaa furay terminal garoonka diyaarada ee Muqdisho oo ay ka duuli karaan shan kun oo qof iyo isbitaalkii Digfeer.

Wasiiro ka kala socday labada wadan ayaa dhawr heshiis ku kala saxiixday xarunta madaxtooyada, iyadoo markii danbana shir jaraa'id oo wada jira ay qabteen labada madaxweyne.

Weriyaha BBC Ibraahim Maxamed Aadan, oo tan iyo saaka la socday booqashada wafdiga Turkida ayaa warbixinta soo socota Muqdisho ka soo diray.