Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Boob loogeystay ganacsatada Koofur Afrika

Mas’uuliyiinta gobolka Gauteng ee waddanka Koonfur Afrika ayaa waxa ay galabta la shireen Jaaliyadda Soomaalida ee dalkaasi iyo qaar ka mid ah shisheeyaha ganacsiga ku leh.

Kulankan ayaa yimid kaddib xiisado maalmahanba ka taagnaa magaalada Soweto, kaddib sida la sheegay la dilay wiil Koonfur Afrika u dhashay kaddibna ay xigtay in la bililiqeystay in ka badan 80 dukaan oo magaalada ay ku leeyihiin Somali, Itoobiyaan iyo dad kale oo Asia u dhashay.

Markii uu shirkii madaxda gobolka Guateng iyo ganacsatada ajaanibta uu dhammaaday ayaa waxaanu khadka taleefanka ee Johannesburg kula xiriirnay Xaaji Maxamed Axmed (Xaaji Maash) oo ka mid ahaa Soomaalidii shirkaasi ka qeybgashay, waxa uu u warramay weriyaha BBC Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.