Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dekedda Berbera oo la balaariyay

Qayb cusub oo dhismaheedu socday in kabadan labo sano oo lagu kordhiyay dekedda weyn ee magaalada Berbera ayaa rasmi ahaan loo furay . qaybtan oo inta badda la soo aasay badda looguna talo galay barxad weyn oo konteenarada iyo badeecooyinka kale ee ka soo degaya ama ka dhoofaya dekeda in la dhigo ayaa waxaa faah-faahin ka bixiyay maareeye ku xigeenka dekedda berbera Cumar Abokor Jaamac oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa. Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed saciid Cige oo wareystay Maareeye kuxigeenka dekedda Berbera ayaa ugu horeyn weydiiyay inuu faah-faahiyo qaybtan cusub ee dekedda lagu kordhiyay oo uu dhawaan furay madaxweyne Axmed Siilaanyo.