Dhaqtar gudniin oo lagu xukumay isku day dil

Image caption Suhair al-Bataa ayaa dhimatay markii la guday.

Dhaqtar reer Masar ah ayaa la xukumay laba sano oo xarig ah kadib markii ay dhimatay gabar uu ku guday rugtiisa caafimaad.

Raslan Fadl ayaa lagu xukumay laba sano oo xarig ah iyadoo lagu helay isku day dil, rugtiisa caafimaadna waa la xiay hal sano.

Dhaqtarka ayaa beeniayay inuu ku sameeyay gudniinka Suhair al-Bataa.

Afhayeenka kooxda u ololaysa joonta gudniinka ayaa ugu yeertay go'aanka maxkamadaguul aad u wayn.

Suhair al-Bataa ayaa dhimatay 2013-kii. Aabaheed ayaa sidoo kale dacwad lagu qaaday laakiin aan la xukumin.

Dacwad tan ka horaysay ayaa dhaqtarka iyo aabaha lagu waayay danbi.

Gudniinka ayaa laga mamnuucay Masar 2008-dii laakiin wali la sameeyaa.

In kabadan sagaashan boqolkiiba dumarka reer Masar oo ka yar konton jir ayaa lagu sameeyaa gudniinka, sida ay sheegayso tirikoobka dowladda.