Baraf iyo dabeylo ku dhuftay US iyo Canada

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qabowga ayaa la filayaa inuu dhul hor leh gaary

Dabeylo qabow aad u xoogan wata ayaa ku dhuftay xeebaha waqooyi bari ee Mareykanka iyo bariga Canada.

Dabeylaha qabowga ah ayaa la filaayaa inay cagta mariyaan dhammaan gobolka, saacadaha soo socda.

Dadka ku taqasusay cilmiga dabeylaha ayaa ka digaya in dabeyaha la socdo barafka dhacaya ay aad sare ugu kicikaraan.

In kabadan lix kun oo duulimaad ayaa la joojiyay, waxaana looga dhawaaqay xaalad degdeg New York iyo shan gobo loo kale.

Magalaada New York ayaa la hakiyay gawaarida dad weynaha. Qaar ka mid ah goboladana waxaa la mamnuucay kaxeynta gawaarida xilliyada habeenkii.

Iskuulada ayaa la filaayaa inay xirnaadaan illaa arbacada.