Japan oo cambaareysay muuqaalka Daacish ee Kenji Goto

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Hooyada dhashay Kenji Goto ayaa ku baaqday in wiilkeeda la badbaadiyo

Ra'iisalwasaaraha Japan ayaa cambaareeyay muuqaalka ay soo saareen ururka Daacish ee ay ku sheegayaan inay muddo 24 saac gudahood ah ku dili doonaan weriye Kenji Goto.

Hooyada dhashay Goto ayaa ka codsatay Ra’iisul Wasaare Shinzo Abe inuu dalka Urdun kala shaqeeyo sidii loo sii deyn lahaa wiilkeeda, oo ay haystaan kooxda Daacish.

Abe ayaa ku tilmaamay muuqaalka arrin aad u xun.

Ururka Daacish ayaa sheegay inay dili doonaan Goto iyo duuliye diyaarad dagaal oo Urdun u dhashay haddi ay Urdun sii deyn weydo gabar dagaalyahanad ah oo u dhalatay Ciraaq.

Gabadhan ayaa dil suge ahayd tan iyo sanadkii 2006-da.

Urdun iyo Japan ayaa wadajir uga shaqaynaya sidii loo sii deyn lahaa la haysteyaasha.

Wararka qaar waxay sheegayaan inay jiraan wada xaajoodyo qarsoodi ah oo lala leeyahay Daacish, iyadoo loo sii marayo odayaasha qabaa’ilka ee Ciraaq.