Midowga Afrika oo la dagaalamaya Boko Haram

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Boko Xaraam ayaa maamusho qeybo ka mid ah woqooyiga dalka Nigeria.

Midowga Afrika ayaa taageero u fidinaya ciidamo ka socda gobolka oo la doonayo in ay la dagaalamaan kooxda Boko Xaraam oo halis ku haysa ammaanka dalka Nigeria iyo dalalka deriska la ah.

Go’aankaasi lagu xoojinayo ciidamadaasi ka socda shan waddan oo ka tirsan gobolka ayaa waxaa isla qaatay golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika.

Tirada ciidamadaasi gobolka ayaa la doonayaa in la gaarsiiyo ilaa iyo 7, 500 oo askari.

Madaxa golaha Midowga Afrika Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa sheegtay in marnaba aan la aqbali karin tacaddiyada ay gaysanayaan dagaalyahanada kooxda Boko Xaraam oo aan wax ixtiraam ah u hayn noolasha bani’aadamka.

Waddamada Nigeria, Chad, Cameroon, Niger, iyo Benin ayaa ku yaboohaya ciidamadaasi ka dhanka ah Boko Xaraam.

In ciidamadaasi la hawlgeliyo waxa ay ku xiran tahay in midowga Afrika uu marka ansixiyo ka hor inta golaha ammaanka ee qaramada Midoobey uusan ansixinin.