Muddo dheeri ah oo la siiyay Sharmaarke

Image caption Waa markii labaad oo uu ra'iisalwasaaraha codsanayo muddo dheeraad ah.

Dood dheer kaddib ayey aqlabiyadda baarlamaanka Soomaaliya aqbaleen codsi kaga yimid ra'iisul wasaaraha.

Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa mudo kale oo dheeraad ah siiyay ra'isul wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, si uu usoo dhamaystiro golahiisa wasiiradda oo uu horey u magacaabay labaatan ka mid ah balse ay xildhibaano badan diideen.

Mudada la siiyay ra'isul wasaaraha ayaa laga sugayaa in uu dhamaystiro golihiisa iyo barnaamijka ay ku shaqayneyso xukuumaddiisa isla markaana uu baarlamanka horkeeno waqtigaasi kooban ee uu haysto.