Daacish oo dishay qof Japan u dhashay

Lahaanshaha sawirka Getty

Waxaa Internetka la soo galiyay muuqaal video ah oo u muujinaya ururka Daacish oo qoorta ka jaraya weriye u dhashay dalka Japan oo lagu magacaabo Kenji Goto.

Muuqaalkani waxa uu imaanaya waxkayar todobaad markii la baahiyay muuqaal isagana kurka lagaga jarayo Haruna Yukawa oo arrintaas oo Daacish ay sheegteen.

Wariye Goto, oo 47 jir ah waxa uu ahaa saxafi caan ah, waxaana bishii October laga afduubtay gudaha dalka Suuriya.

Dowladda Japan waxa ay isku dayaysay in lasiidaayo.

Dilkaasi waxaa cambaareeyay wadanka Japan, Maraykanka iyo Uk.