Chad oo Nigeria kula dagaalameysa Boko Haram

Ciidamada Chad ayaa galay dhulka Nigeria sida la sheegay weerar dhulka ah oo ay ku qaadayaan Boko Haram.

Waxay tani ka dambeysay labo todobaad oo duqeymo cirka ah oo lagu qaaday falaagada.

Afhayeen u hadlay ciidamada qaranka Nigeria, Mike Omeri, ayaa BBC-da u sheegay in ciidmo ka socda Chad ay kala shaqeynayeen kuwa Nigeria magaalada Gamboru oo ku taal xadka ay Nigeria la leedahay Cameroon. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale soo sheegay inay arkeen ciidamo Chad ah.

Weeraarka ayaa loo maleynayay inuu ka yimid heshiiska gobalka ah oo lagu abuurayo ciidamo dalal badan oo ka socda wadamdaa xadka la leh harada Chad oo kala ah Nigeria, Chad, Cameroon iyo Niger.