Chad oo la dagaalameysa Boko Haram

Lahaanshaha sawirka AFP

Waxaa jira dagaal culus oo ku dhexmaraya ciidamada Chad iyo ururka Boko Haram gobolka waqooyi bari Nigeria.

Afhayeen u hadlay millitariga Chad ayaa sheegay in ciidamadooda, oo qeyb ka ah ciidamo dalal badan, ay iska caabiyeen weerarka Boko Haram ee magaalada Gamboru oo ku taal xadka u dhexeeya Nigeria iyo Cameron.

Lahaanshaha sawirka AFP

Weerarka ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen sagaal kamid ah cidammada Chad iyo labo boqol oo Boko Haram ka tirsan inkastoo aan si madaxbanaan loo xaqiijin karin waxyeelada nafeed ee gaartay xagjiriinta.

Boko Xaraam iyo ciidamada Cameroon ayaa isaga horyimid magaalada dhinaca kale xadka Cameroon ee Fotokol.