Xulka Ghana oo u soo baxay ciyaarta kama dambeysta

Lahaanshaha sawirka AFP

Xulka Ghana ayaa gaaray kama dambeysta Koobka Qaramada Afrika, kaddib markii ay 3-0 uga badiyeen xulka tartankan martigaliyay ee Equatorial Guinea.

Ciyaarta ayaa waxaa qasab noqotay in la joojiyay muddo 30 daqiiqo ah kaddib markii ay taageerayaasha kooxda Equatorial Guinea ay garoonka buuq ka kiciyeen.

Markii dambana waxaa qasab noqotay in booliska oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ay xaalada soo fara galiyaan, oo ay weliba adeegsadeen suntan dadka ka ilmaysiisa si ay u kala kaxeeyaan taageerayaasha careysan.

Muddo 30 daqiiqa ah ayaa ciyaata la joojiyey, kaddib markii qalalaaso ay sameeyeen taageerayaasha xulka Equatorial Guinea.

Gascado iyo caagag ay ku tuuraayeen garoonka.

Ciyaarta kama dambeysta ah ayaa axada waxa isaga hor imaan doona xulalka Ghana iyo Ivory Coast.

Image caption Waxa la baarayaa heer kulayka jirka taageerayaasha, si looga foojignaado cudurka Ebola
Image caption Qaar ka mid ah taageerayaasha xulka qaran ee Equatorial Guinea