Walwalka xiridda account-nada Xawilaadaha US

Dawllada Soomaaliya waxa ay sheegtay in go'aanka uu Bangiga maraykanku ku gaaray in uu xiro account-yada xawaaladaha Soomaalida in ay dhalindoonto dhaawac aan la kabikarin oo soo gaara guulaha dhanka ammaanka ah ee ay soo hoyisay.

Bangiga Merchants Bank of Californi, oo bixiya sideetan boqolkiiba adeega xawilaaddaha Soomaalida ee Maraykanka ayaa sheegay in uu joojinayo maanta wadashayqayntii uu la lahaa xawaaladahaasi, arrintaas oo ay sabab u tahay shuruuc cusub oo bangiyada lagu soo rogay

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay in go'aankasi uu walwal dhalinayo iyada oo xawilaaduhu ay yihiin arin muhiim u ah Nolosha Soomaaliya.

Soomaalida kunool dalka Maraykanka waxa ay dib ugu diraan dalka Soomaaliya in kabadan laba boqol oo milyan oo doolar sanadkiiba