Ivory Coast oo ku guuleysatay koobka Afrika

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xulka Ivory Coast oo qaaday koobka Qaramada Afrika

Xulka Ivory Coast ayaa ku guuleystay koobka Qaramada Afrika, kaddib markii ay gool ku laad uga badiyeen xulka Ghana.

Ivory Coast ayaa ku badisay 9-8 gool ku laad, waxaana goolka guusha u dhaliyay goolhayahooda Boubacar Barry.

Waa markii labaad oo ay Ivory Coast koobkan ku guuleysato, iyada oo kii ugu horeeyay qaaday sanadkii 1992-dii, markaas oo ay Ghana uga badisay gool ku laad.

Tartanka koobka Qaramada Afrika ee sanadkan ayaa waxaa marti geliyay dalka Equatorial Guinea, kaddib markii dalka Morocco uu ka baaqsaday marti gelinta, sababo la xiriira cabsi uu ka qabo cudurka Ebola.