Ganacsatada Bangladesh iyo qasaaraha banaanbaxa

Image caption Ganacsatada Bangladesh.

In kabadan bil, nolosha dalka Bangladesh waxaa carqalad ku noqday xanibaadda saaran gaadiidka dadweynaha, shaqa joojin, isu soo baxyo iyo isku dhacyo.

Hogaamiyayaasha ganacsatada hadda waxa ay sheegayaan in degannaan la’aanta ay dalka gaar siisay qasaare lagu qiyaasay 10 bilyan oo dollar.

Warshadaha dharka, oo xudun u ah dhaqaalaha Bangladesh ayaa saameyn xun ay gaartay.

Balse waxaa jiro calaamad yar taas oo hogaamiyaha mucaaradka, Khaleda Zia, oo ah qofka ku baaqay isu soo baxyada looga soo horjeedo dowladda, inay ka jawaabto dalabka ganacsatada.

Waxa ay dooneysaa doorashooyiin cusub in la qabto, waxayna ku doodeysaa doorashadii ugu dambeysay inay ahayd mid been abuur ah.

Ugu yaraan 70 qof ayaa dhimatay tan iyo markii ay muhaadaaradyada ka bilowdeen Bangladesh sanadkii hore.