Weerar ka dhacay Boosaaso

Lahaanshaha sawirka
Image caption Ciidamada Puntland.

Magaalada Boosaaso, fariisimo boliis ayaa waxaa xalay soo weerarary kooxda Al-Shabaab sida uu sheegay taliyaha boliiska Maxamed Saciid Jaqanaf. Waxaa weerarka ku dhintay hal askari, afar kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka dileen laba qof, saddex kalena ay qabteen.

Boliiska ayaa sheegay inay qabteen dhowr gaari iyo hubkii ay wateen kooxda weerarka ku soo qaaday boliiska.

Puntland ayaa dagaal Al-Shabaab kula jirta, iyagoo sheegay inay ka saareen Al-Shabaab buuraha Galgala oo ay mudo ku dagaalamayeen.