Ban Ki Moon oo ka digay Xuutiga

Lahaanshaha sawirka
Image caption Ban Ki Moon

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki- Moon ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Yemen Abedrabbo Mansour Hadi inuu xukunka Yemen dib ugu soo noqdo.

Madaxweynaha iyo dowladiisa ayaa iscasilay bishii hore kadib markii Xuutiga ay qabsadeen magaalo madaxda Sanca. Ban ki Moon ayaa xaalada ku tilmaamay mid qatar ah, isagoo sheegay in Xuutiga ay abuureen dowlad la'aan.

madaxa Jaamacadda Carabta Nabil al Arabi, ayaa canbaareeyay xukun la wareegida Xuutiga isagoo sheegay inay keeni karto bur bur habka siyaasada waddanka.