Muranka dalxiisayaasha ee Tanzania iyo Kenya

Lahaanshaha sawirka b
Image caption Dalxiisayaal

Xaaladda cabsi galinaysa dhowr milyan oo shirkaddaha dalxiiska ah ayaa billaabatay sanadkii tagay, kaddib markii Kenya ay xayiraad kusoo rogtay maraakiib laga lahaa Tanzaniya.

Arrinkan ayaa macnahiisu yahay gaadiidka iyo gawaarida kale ee shixnadaha qaada ee laga leeyahay dalka Tanzania, in aysan keeni karin dalxiisayaal ama ka qaadi karin garoomadda dayuuradaha ee dalkan Kenya.

Balse arrinkaan ayaa buuq ka dhex dhaliyay shirkaddaha dalxiiska ka shaqeeyo ee Tanzaniya, kuwaasi oo dowladooda Tanzaaniya ku wargeliyay in ay ka codsato dowladda Kenya in ay joojiso xayiraadaasi.

Balse Wasiirka dalxiiska ee Kenya, Phyillis Kandie, ayaa go’aansaday in uu xayiraad kusoo rogo, kaddib markii ay dhammaatay muddo saddex asbuuc ahayd oo looga xaajoonayay xalinta khilaafkaan.

Arrintan ayaa indha indheeyayaasha ay ku sheegayaan inay tahay aargudasho ay Kenya sameyneyso, kaddib markii Tanzania ay xirtay xuduudda Bolongonja, halkaasi oo muhiim u ah labada dal ee leh carwooyiinka xayawaanaadka caalamka ugu caansan ee kala ah Serengeti and Masai Mara.

Khubarada dalxiiska ayaa ku qiyaasaya in ugu badnaanti boqolkiiba afartan halkii milyan oo dalxiisayaaal ah ay booqdaan Tanzaniya sanad walba, iyaga oo sii mara garoonka diyaaradda ee Nairobi.

Socdaalka dalxiiska ayaa Kenya waxaa kasoo gala 1.9 hal bilyan oo doollar kahor inta aysan dalxiisayaashu u gudbin goobaha dalxiiska ee Tanzaniya.

Darawalada dalxiisayaasha Tanzaniya, ayaa sheegaya in xayiraada Kenya ay walaac iyo murugo galisay dalxiisayaasha Nairobi uga soo gudbi jiray Tanzaniya.

Inkastoo labada dalba ay ka mid yihiin ururka ay ku mideysan yihiin dalalka Bariga Afrika ee dhowaan la aasaasay, is aaminaad la’aanta ka dhexeysa Kenya iyo Tanzania waxa ay sii ahaan doontaa caqabadda hortaagan dhaqaalaha rasmiga ah iyo is dhaxgalka bulshada ee labada dhinac ka dhexeysa.