Soomaaliya: Xukuumada oo la ansixiyay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Afhayeenka Baarlaanka Maxamed Sh Xasan Jawaari.

Golaha Wasiirada cusub iyo ku xigeenadooda ayaa baarlamaanka uu ansixiyay.

Waxaa fadhiyay baarlamaanka laba iyo labaatan xildhibaan. Boqol iyo sagaashan iyo kow xildhibaan ayaa ogolaatay, laba iyo labaatana way diideen.

Waxaa ku dhawaaqay in xukuumada ansax tahay Afhayeenka baarlamaanka Maxamed Sh Xasan Jawaari.

Dhinaca kale, niman hubaysan ayaa ku dilay xildhibaan Cabdullahi Qayad Bare, xaafada Xamarjajab ee Muqdisho maanta isagoo u socda shaqo.

Toban bilood gudahood xildhibaankii lixaad ayaa lagu dilay Muqdisho. Wuxuu xildhibaan ahaa saddexdii sano ee ugu danbaysay.

Xildhibaanka ayaa la dilay isagoo gaarigiisa taagan yahay meel u dhow Ceelgaab. Wuxuu xildhibaan ahaa laba sanno iyo bar.