In ka badan 10 ku dhimatay Guriceel

Xiisad ayaa ka taagan magaalada Guriceel saakay markii uu halkaasi ka qarxay dagaal daran oo keenay dhimasho badan.

Magaalada Guriceel oo ku taal bartamaha Soomaaliya ayaa dagaalka dhacay saakay uu keenay dhimasho ka badan toban ruux taasi oo timid markii maamulka magaalada ay la wareegeen Ahlusunna Waljamaaca.

Dagaalka ayaa ku soo beegmay markii uu saakay ka dagay magaalada Dhuusamareeb madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh oo booqasho ku tagay magaalada si uu u furo shirka dib u heshiisiinta kaasi oo ka horeeya dhisidda maamul loo dhiso bartamaha Soomaaliya.