Falaagada Ukraine oo weerar lagu eedeeyay

Madaxweynaha Ukraine, Petro Poroshenko, ayaa ku eedeeyey fallaagada gooni u goosadka ah inay gantaallo ku weerareen magaalada dhinaca bari ee xukuumaddu gacanta ku hayso ee Kramatorsk oo ay la dheceen xarunta milateriga.

Saraakiil reer Ukraine ah oo gobolka jooga ayaa sheegay in weerarradaas ay ku dhinteen ugu yaraan sadax qof oo ku sugnaa goobo u dhow oo deegaan ah.

Gooni u goosatada ayaa beeniyey inay duqeeyeen magaalada, laakinse waxay sheegeen inay imminka hareereeyeen Debaltseve, oo istaraatiji u ah dhinaca gaadiidka, halkaas oo ilaa 6,000 oo askarta Ukraine ay saldhig ku leeyihiin.

Dagaalkan ayaa yimid iyadoo ciidamada Ukraine iyo falaagada taageersan Russia ay isku dayayaan inay dhul qabsadan hor wadahadalada nabadda ee Arbacada.