Australia oo 'fashilisay' weerar argagixiso

Booliska dalka Australia ayaa xiray laba nin oo lagu eedeeyay in ay qorshaynayeen weerarro argagixiso oo ay ku qaadaan magaca ururka Daacish.

Wararka ayaa sheegaya in raggasi ay qorshaynayeen in ay dad ku gowracaan gudaha dalka Australia.

Booliska la dagaalanka argagixisada ayaa sheegay in hawlgalkaasi oo ka dhacay Sydney ay ku soo qabteen mindi, faas iyo calanka kooxda daacish.

Labada nin ee la qabtay oo da’ ahaan kala ahaa 24 iyo 25 jiryaal ayaa lagu eedeeyay in ay qorshaynayeen weerar argagixisnimo.

Dalka Australia ayaa ku jiray feejignaan sare tan iyo sanadkii la soo dhaafay.

Bishii December ee sanadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii nin reer Iraan ah uu 18 qof ku qafaashay gudaha maqaaxi kafeega laga cabbo oo ku taala magaalada Sydney.

Labo ka mid ah dadkii la haysteyaasha ahaa ee ninkaasi u qafaalnaa iyo ninkii dableyda ahaa ayaa la dilay kaddib markii booliska ay weerareen dhismihii uu dadka ku dhex haystay ninkaasi dableyda ahaa.