Dhismaha guddiga doorashada

Kulan maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ayuu baarlamaanka Soomaaliya ku ansixiyay dhismaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee Sommalia.

Guddigaasi ayaa ka mid ah sharciyo laga sugayay baarlamaanka oo muhiim u ah ka guul gaarida higsiga 2016.

Cod qaadis uu sameeyay baarlamaanka ayaa waxaa ay cod aqlabiyad ah ku ansixyeen dhismaha gudiga doorashooyinka madaxa banaan .

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo gabagabeyay kalfadhigii shanaad, waxana u bilaabanaya fasax ay galayaan.