Yurub oo loogu baaqay in ay badbaadiso soo galootiga

Hay'adda xuduudaha Yurub ee Frontex ayaa sheegtay inay samaynayso talaabo kasta oo suurtogal ah si loo badbaadiyo dadka muhaajiriinta ah ee khatarta gala marka ay ka gudbayaan badda Mediaterraneanka.

Hadalladaas ayaa yimid kaddib markii dad gaaraya 300 oo qof oo doonayey inay ka gudbaan ay qaraqmeen.

Hay'adda caalamiga ah ee socdaalka ayaa sheegtay inay geerida dadkaas laga hortegi karay ayadoo la isticmaalayo talaabooyin wanaagsan oo naf-badbaadin ah.

Afhayeen u hadlay IOM ayaa u sheegay BBC in soo gabagabaynta uu talyaanigu soo gabagabeeyey hawlihii lagula roondaynayey, laguna samata bixinayey muhaajiriinta aysan ka hor istaagayn muhaajiriinta isku daygooda ay Yurub ku imaanayaan.

Emma Bonino oo ah siyaasiyad talyaani ah ayaa sheegtay in loo baahan yahay in Yurub ay degdeg talaabo u qaaddo