lacag lagula dagaalayo Ebola oo la lunsaday

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Sierra Leon waa mid ka mid ah dalalka uu Ebola sida xun u saameeyay

Dowladda Sierra Leone waxa ay sheegeysaa inay si dhab ah u qaadaneyso warbixin rasmi ah loo soo saaray oo sheegeysa inay in ugu yaraan 14 milyan oo dollar oo loogu talagalay in lagula dagaallamo Ebola la lunsaday.

Afhayen u hadlay dowladda oo lagu magacaabo Cabdulahi Bayraytay, waxa uu BBC-da u sheegay in qof kastoo lagu helo dembi musuqmaasuq la ciqaabi doono.

Waxa uu intaasi ku daray afhayeenkan, in dowladda Sierra Leon ay ka go’an tahay inay la shaqeyso waaxda hanti dhowrka oo warbixinta soo saartay.

Waxa uu xaqiijiyay in isla xisaabtan iyo daahfurnaan ay xudun u tahay jiritaanka xukuumadda.

Hanti dhowrka guud ee Sierra Leon ayaa ku eedeeyay wasaaradda caafimaadka iyo xarunta la dagaallanka Ebola ee dalkaasi inay muujiyeen tixgelin la’aanta sharciga.

Hanti dhowrka waxa uu sheegay in labadaasi xafiis ay ku guul dareysteen inay soo bandhigaan dikumiintiyo cadeynaya heshiisyada lagu iibinayay gawaari ambalaas ah iyo dhismaha xarun lagu daaweeyo dadka qaba Ebola.