Denmark: Nin weerar qaaday oo la dilay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Boliiska Denmark oo ilaalinaya meeshii lagu dilay ninka.

Booliiska Denmark ee magaalada Copenhagen, ayaa sheegay inay aaminsan yihiin ninka ay dileen inuu yahay qofkii ka danbeeyay laba weerar magaalada. Weerar ka dhacay kulan looga hadlayay xoriyada hadalka, iyo mid ka dhacay synagogue hortiisa.

Weerarkii ugu horeeyay galabnimadii Sabtida, nin ayaa lagu toogtay maqaayad lagu qabtay kulanka xornimada hadalka. Dadka ka soo qaybgalay kulanka waxaa ka mid ah nin Swedish ah oo sawir gacmeed ku sawira Nabi Maxamed.

Subaxnimadii Axada, nin Yuhuud ah ayaa la dilay, laba boliisna waxaa lagu dhaawacay synagogue agtiisa.