Talyaaniga oo xiray safaarada Libya

Lahaanshaha sawirka
Image caption Ammaanka Libya ayaa aad u xumaaday dagaalo ka socda darteed.

Safaarada Talyaaniga ee Libya ayaa la xiray shaqaalaheedina laga soo bixiyay ammaan darteed.

Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga ayaa sheegtay hotel ay deeganaayeen shaqaalaha safaarada in uusan ammaan ahayn.

Talyaaniga ayaa ah waddanka ugu danbeeya ee reer Yurub ee joogay Tripoli, laakiin cabsi ayaa jirta inay islaamiyiin weeraraan.

Dagaal u dhexeeya dowladda iyo islaamiyiinta ayaa socday tan iyo markii la riday Colonel Qadafi.

Wasiirka Gaashaandhiga ee Talyaaniga ayaa sheegtay in waddankeeda uu diyaar u yahay inay ka qayb qaataan dagaal milatari oo lagu qaadayo mintidiinta.