Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jaadku Saamayn intee laeg ayuu leeyahay

Malintii labaad ayaan Jaad la geyneynin dalka Soomaaliya, kaddib markii ganacsatada Soomaalida ah ee dhoofsata Jaadka ay go'aansadeen in ay hakiyaan, iyagoo ka cabanaya qiimaha ay Kenya kaga gataan oo lagu daray iyo canshuurta Soomaaliya lagaga qaado oo sare u kacday.

Tani iyo markii dalalka Yurub laga joojiyay Jaadka, Soomaaliya waxa ay noqotay suuqa ugu weyn ee loo iibgeeyo Jaadka Kenya.

Muddo aad u dheer ayaa Soomaaliya laga cunaa Jaadka, waxaana la sheegayaa in saameyn dhaqaale iyo mid bulshaba uu ku yeeshay.

Hadaba Cilmi Baare Madax-Banaan oo hadda jooga London laguna magacaabo Sahal Cabdulle, ayaan ka wareysanay saameyna xagga dhaqaalaha iyo bulshada ee Jaadka uu ku yeeshay Soomaaliya.

Weriyaha BBC-da Farxaan Maxamed Jimcaale ayuu u warramay