Shaqaale waaxda socdaalka oo la dilay

Lahaanshaha sawirka
Image caption Afarta nin ayaa u shaqeeya waaxda socdaalka ee Muqdisho.

Afar nin oo uu ka mid yahay mareeye ku xigeenkii garoonka Muqdisho, Maxamed Kadiye Jimcaale, ayaa lagu dilay meel u dhow isgoyska KM4 ee Muqdisho.

Niman hubaysan oo gaari wata ayaa rasaas ku furay gaariga uu saarnaa maareeyaha ku xigeenka.

Saddex nin ayaa goobta weerarka ku dhimatay, midna wuxuu ku dhintay isbitaalka. Wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayirayaa sheegay in nimanka dilka gaystay la raadinayo, sharcigana la horkeeni doono.