Masar oo codsatay in dagaalka laga caawiyo

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Koox xiriir la leh Daacish ayaa dad Masaari ah ku laysay Liibiya

Masar waxa ay codsaneysaa taageero caalami ah oo lagula dagaallamo Khilaafada Islaamka ee dalka Liibiya.

Baaqan waxa uu imaanayaa kaddib markii diyaaradaha dagaalka ee Masar ay duqeeyeen saldhigyo leeyihiin kooxo ku sugan Liibiya, taas oo aargudasho u ah dilka koox Masaari Qibdhiyiin masiixiyiin ah.

Safiirka Masar ee dalka Britain, Nasser Kamel, waxa uu BBC-da u sheegay in doomo ay la socdaan wax uu ugu yeeray argagixiso ay gaari doonaan qaaradda Yurub, isbuucyo gudahood haddii aan tallaabo la qaadin.

Taliyaaniga waxa uu hoosta ka xariiqay in ay eegayaan haddii la heli karo ciidamo Qaramada midoobeey ay hogaamineyso oo xasiliya Liibiya.

Balse waxa ay meesha ka saareen duullaan degdeg ah oo ay halkaasi ku qaadaan.

Weerar ay NATO hogaamineysay ayaa xilka lagaga tuuray Colonel Gaddafi, sanadkii 2011kii, laakiin tan iyo xilligaasi Liibiya waxa ay bartamaha u gashay qalalaaso.