Gabar garguurad ku dhameysay orod Maaradoon

Gabar oroda oo Kenya u dhalatay ayaa garguurad ku dhameysay afartii boqol ee mitir ee ugu dambeysay orodka dheer ee maaradoonka iyadoo kaddib heshay biladda maar ah.

Gabadha oroda ee Kenya, Hyvon Ngetich, ayaa hogaamineysay orodka dheer ee Austin ee ka dhacay gobalka Texas ee Mareykanka ilaa markii ay gaartay 23 mile oo ay kaddib daashay. Gabadha oo liqliqatay ayaa ugu dambeyn dhacday iyadoo awoodi weyday inay kacdo kaddibna afartii boqol ee mitir ee ugu dambeysay ayey garguuratay si ay u gaarto dhamaadka. Inkastoo la siiyay kursiga laysku riixo hadana Hyvon way garguuratay.

In la dhameeyo orodka dheer ee maaradoonka ma sahlana, hase ahaatee, qiyaas afar saac oo garguurad ah. Taasi waa waxa Hyvon ay axadii sameysay.

29-jirka oo orodka hogaamineysay ilaa 23 mile ayaa awoodi weysay wax intaa ka badan iyadoo ugu dambeyntiina ku soo ururtay garguurad. Waxaa intaas dheer inaysan xasuusan garguuradka.

"Ma xasuusan karo waxa dhacay dhamaadkii. Mana arag dhamaadka" ayey BBC-da u sheegtay Ngetich. "Waxaan ka soo toosay anigoo saaran sariirta caafimaadka, waxeyna ii sheegeen inaan tartankii dhameeyay"

Ma aysan xasuusan dadka ku qeylinayay magaceeda ee ku dhiirogelinayay inay wado orodka.

"Waxaan weydiiyay 'Ma dhameyay tartanka?' waxayna ii sheegeen 'haa waana tan biladaadi". Waxeyna i tusiyeen sawirada anigoo garguuranayo.

Ngetich ayaa kaddib xanuun ka dareentay jilbaha sidaasina ku ogaatay inay wax dhaceen.

Ka go'naashaheeda aan caadiga aheyn ayaa taabatay qabanqaabiyayaasha oo go'aansaday inay ku abaalmariyaan lacag u dhiganta abaalmarinta booska labaad.