Heshiis dhexmara kooxaha Libya

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan dalka Libya, Bernardino Leon, ayaa sheegay in heshiis siyaasadeed oo dhex mara kooxaha ugu weyn wadanka ay suurgal tahay inuu dhaco maalmaha soo socda.

Basle waxa uu intaas ku daray haddii Libyan-ka ay sii wadaan dagaalka dhexdooda ah, inay bulshada caalamka -waa sida uu hadalka u dhigayee-ay heli doonaan qaab kale oo ay ku buuxiyaan maqnaanshaha maamulka dowliga ee dalkaasi.

Mr Leon ayaa la hadlayay BBC-da kaddib markii dalka Masar uu ka dalbaday in Qaramada Midoobey ay ansixiso faragelin milatari oo caalami ah oo ka dhan ah kooxda khilaafada Islaamka ee dalkaasi Libya.

Shalay oo isniin ahayd ayaa safiirka Masar u fadhiya Britain, Nasser Kamil, waxa uu sheegay in tiro argagixiso ah ay muddo todobaadyo ah ku soo gaari karaan dalalka reer Yurub haddii aan hadda tallaabo la qaadin.