Diyaaradaha Britain oo deg deg ku kacay

Diyaaradaha dagaal Britain ayaa si hal haleel ah ku kacay kadib markii labo diyaaradaha wax duqeeya ee Russia lagu arkay meel wax yar u jirto xeebta Cornwall ee koonfur galbeed England.

Wasaaradda difaaca ee London ayaa sheegtay in diyaaradaha ay ku wehliyeen kuwa Russia, ilaa iyo inta ay ka baxayeen hawada Britain.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii wasiirka difaaca, Micheal Fallon, uu ka digay qatarta muuqata ee madaxweynaha Russia, Vladimir Putin, ku yahay sadexda dal ee la isku yiraahdo Baltic-ga oo kala ah Estonia, Latvia iyo Lithuania.

Dalalkaasi oo Nato ka tirsan ayuu wariyaya BBC-da sheegayaa in hadalka Fallon uu muujinaya walaaca sii kordhaya ee dalalka Nato ee ku saabsan ujeedka Russia kaddib xiisadda bariga Ukraine.