Gariigga: Waqtiga deynta oo loo kordhiyo

Gariigga ayaa si rasmi ah u weydiistay in waqtiga deynta ay u dheereeyaan Midowga Yurub kadib todobaadyo heshiis la'aan ah oo ku saabsan 270ka bilyan ee caalamig ah ee la siiyay.

Dowladda cusub ee garabka bidix ee Gariigga ayaa dooneyso kaalmo lacageed oo lix bil ah halkii laga cusbooneysiin lahaa heshiiska jiray oo wata xaalado lacag jarid adag.

Faahfaahinta codsiga weli dibadda lama soo dhigin. Gariigga ayaa lacag la'aan wajihi doona hadaanan meel dhexe laysugu imaan.

Bangiga dhexe ee Yurub ayaa horay u aqbalay in wax yar la kordhiyo lacagta deg degga ah ee la siinayo baananka Gariiga.