Obama: Dagaal kula ma jirno Islaamka

Lahaanshaha sawirka AP

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa u sheegay shirweyne ka socda Washinton oo looga hadlayo sidii looga hortagi lahaa xag jirnimada rabshadaha wadata, in Maraykanka iyo guud ahaanba reer galbeedka aanay Islaamka dagaal kula jirin, balse ay dagaal kula jiraan argagixiso si xun u isticmaalaysa islaamka.

Wuxuu sheegay inay tahay in dunidu ay ka hor tagto fikradaha la dhalanrogay ee kooxaha, sida khilaafada islaamiga ay u isticmaalaan inay qas ku abuuraan.

Obama waxa uu sheegay in dunidu ay wajahayso kooxo wata fikrado la khaldan sida ururka daacish, iyadoo u jeedadoodu tahay buu yiri in ay marin habaabiyaan dhalinyarada.

Kulankaasi waxa ka qeyb galay wakiilo ka soda in ka badan 60 wadan.